3 XABO OO TIMIR AH OO AAD MAALIN WALBA QAADATO AYAA CAAFIMAADKA NOLASHAADA WAX WEYN KA BADALEYSA.Timirtu waxa ay kamid tahay cunooyinkii uu Xabiibkeena Muxamed Csw uu jeclaa.Timirtu waxa ay ka koobantahay copper pataashiyum,magniisiyum,lu utenSida kaloo kale waxa ay leedahay dahaar aad faaiido ugu leh jirka bini aadanka oo marka aad cunto timirta si fud sunta jirka ku jirta aad iskaga qashin saari karto.1= TIMIRTU WAXAY HORMARISAA SHAQADA MASKAXDA.Cilmi badaaris la sameeyey ayaa cadeenaysa in qofka marka uu qaato Vitimim B6 Ku filan in maskaxda qofku ay aad ugu shaqayso si kasii balaaran sidii hore, taas oo keeneysa in xasuusta qofku ay aad u fiicnaanto hilmaamkiisuna uu yaraado,Timirtu waa cuntada ugu muhiimsan ee maskaxda loo qaato.2= HAB DHISKA DHEEF SHIIDKA AYEY HORMARISAA.timirtu waxay kamid tahay cuntada dahaarka adag leh taas oo ka dhigta caloosha in ay qabato shaqo badan si ay u shiido timirta taas oo faaiidadeedu tahay shaqadaas badan caloosha darbiyadeeda cuntooyinkii hore iyo suntii ku hartey in laga soo xaaqo shaqadaas badan owgeedUgu danbeenna saxarada ka dhigta mid jilicsan,Waxayna u fiicantahy fuuqbaxa iyo shubanka.3=WAXAY BARAARUJISAA DIFAACA JIRKA WAXAYNA ADKEYSAA LAFAHA.Timirtu waxay aad muhiim ugu tahay habdhiska difaaca jirka maadaama ay macdan fara badani ay ku jirtu,Waxayna adkeyda lafaha iyada oo ka hortagta cudurka lafaburburka ee ku dhaca dadka waaweyn, wayna kuu fiicantahay hadii aad lafa xanuun qabto in aad qaadato maalin walba ugu yaraan sadex xabo oo timir ah.4= WAXAY KA HORTAGTAA DHIIG YARAANTA.Qofka cuna timirta mar walba waxa uu ka heleyaa ayroon faro badan iyo macdan kale oo kaa caawinaya in dhiigaado uu ahaado mid isku dheeli tiran.5= WAXAY ILAALISAA CAAFIMAADKA WADNAHA.Daraasaad badan oo la sameeyey ayaa caddeynaya in timirtuay u fiicantahay wadnaha,In aad qaadato habeenkii ama subaxa hore inta aadan quraacan timirta ayaa maadada patashiyum taada kor u qaadeysa taas oo caawineysa in wadnuhu uu si fiican u shaqeeyo, waxayna yareeneysaa qatartii qofka kaga imaan lahayd in maskaxda ay dhiig ku furanto ama ay ku dhacaan xanuunada kale ee la xiriira wadnaha.Waxaa kale ay aad hoos ugu dhigta qatarta xanuunka dufanka in uu jirka ku bato ah kalostoroolka loo yaqaan kaas oo dadka qaba ay dhakhaatiirtu kula taliso in ay isticmaalaan timirta
0 comments:
Post a Comment